![]() |
| www.taariikh24.com |
Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo loo yaqaano Aadan Madoobe waa
xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga soo doortey maamulka Koonfur
Galbeed Soomaaliya, wuxuu ku fadhiyaa kursiga HOP#189.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur wuxuu ku dhashay magaalada Xudur
ee gobolka Bakool bishii April sanadkii 1956, isagoo yar ayuu xifdiyey
Qur’aanka Kariimka, sida uu baarlamaanka ka hor sheegay waxa uu bartey culuumta
islaamka, wuxuu ahaa macalin dugsi Qur’aan oo ay arday badan ka aflaxeen.
waxaa la sheegaa in uusan laheyn waxbarashada rasmiga ama
waxa loo yaqaano (Formal Education), burburkii ka dib sanadihii 1993 ilaa 1995
wuxuu ahaa gudoomiyaha magaalada Xudur xilli Soomaaliya la daalaa dhacaysay
dagaallo iyo abaaro daran.
Waxa uu ka mid noqday aasaasayaashii ururkii RRA, waxa uu soo
noqday Guddoomiye ku xigeenkii Koowaad ee Ururkii RRA, ka hor inta uusan ku
biirin Dowladdii KMG aheyd, 2003: Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ka mid ahaa hogaamiyaashii
ka qeybqaatay soo dhisitaankii dowladdii KMG ahayd ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
taas oo lagu soo dhisay Ederot ee dalka Kenya, waxaanna uu ka mid ahaa
saxeexayaashii hishiiskii lagu soo dhisay dowladdaas.
Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ka mid noqday xubnihii Golihii
baarlamaanka KMG ah ah ee Soomaaliya ee horraantii bishii August, sanadkii
2004ta lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sanadkii 2005 dowladdii KMG ahayd wuxuu ka noqday Wasiirka
Cadaaladda iyo garsoorka.
Sanadihii 1996 ilaa 2000 wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii u
ololeynayey nabadda iyo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliya dibna loo dhiso
qarankii burburey.
January 31, 2007 waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka
Dowladii ku meel gaarka ilaa 25 May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo
kala dhex galay Gudoomiye Madoobe iyo Ra'iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar
Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Aadan Madoobe
uu iscasilo.
December 29, 2008 ilaa 31 January 2009, Aadan Madoobe waxa
uu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii uu
iscasilay hogaankii xilligaa, iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009
Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.
Bishii January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka
Warshadaha iyo Ganacsiga xukuumaddii ra’iisul wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed, waxaa
uu qeyb ka ahaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa April 28, 2022 teendhada Afisyooni loogu
doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii
uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hadheen
wareegga labaad uu helay 89 cod.
Sheekh Aadan Maxamed wuxuu ahaa xoghayaha guud ee xisbiga
Himilo qaran ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ka hor inta
uusan iska casilin April 19, 2022 markii uu go’aansaday inuu u tartamo
gudoomiyaha baarlamaanka.
Muddo xileedkiisi labaad ee gudoomiyaha baarlamaanka waxaa
lagu xasuustaa inuu dhex u galay khilaaf sayaasadeed iyo buuq badan, waxaana aad
loo xasuustaa mar uu xildhibaanada qaar uu ku qaylinayey isagoo sheegaya in ay
naafo yihiin ama duq, muuqaalka hadaladaas ayaa aad loogu faafiyey baraha
bulshada.
